Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weriye Cabdicasiis Gurbiye oo maxkamad lasoo taagay


Cabdicasiis Gurbiye
Cabdicasiis Gurbiye

Weriye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo ah tifaftiraha idaacadda Goobjoog ee ku taalla magaalada Muqdisho ayaa maanta lasoo horjoojiyey maxkamad ku taalla magaalada Muqdisho.

Cabdicasiis Gurbiye oo horey loogu xiray caasimadda ayaa banaanka ku jooga damiin, waxaana uu wajahayaa eedo la xiriiro qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook.

Hay’adda u doodad xuquuqda aadanaha Human Rights Watch ayaa shalay warbixin ay soo saartay waxay ku tilmaantay eedaha ka dhanka Cabdicasiis Gurbiye kuwo aan dal lahayn.

Dawladda Soomaaliya ayaan weli rasmi ahaan uga hadlin dacwada ka dhanka ah weriyahan, iyo hadalka kasoo yeeray hay’adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch.

Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle warbixinta kasoo diray Muqdisho.

Weriye Cabdicasiis Gurbiye oo maxkamad lasoo taagay
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:53 0:00


XS
SM
MD
LG