MUQDISHO —
Kiisaska xanuunka COVID-19 ee Soomaaliya ayaa kor u dhaafay kadib markii 24-kii saac ee lasoo dhaafay la diiwaan-geliyey 9 kiis oo cusub.
Warkan waxaa sheegtay dawladda Soomaaliya oo shaaca ka qaaday in tiradu haatan tahay 3,006 qof. Dhimashada ayaa taagan 92 qof, halka ay xanuunka ka bogsoodeen 1,051 qof.
Haddaba mas’uuliyiinta caafimaadka ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey xaaladda cudurkan ee iminka. Xasan Kaafi Qoyste ayaa warbixintan ksoo diray Muqdisho.