Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya: Duulimaadyadii gudaha dalka oo dib loo bilaabay


Dawladda Soomaaliya ayaa ku dhawaqday maanta in dib loo bilaabay duulimaadyadii gudaha ka dib markii ay xirnaayeen muddo ka badan 3 bilood sababo la xiriira xakameynta cudurka COVID-19.

Mas'uuliyiinta dowladda ayaa tallaabadan kaga dhawaaqay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho.

Isla maanta ayaa la sheegay in ilaa lix duulimaad oo kuwa gudaha ah ay ka kaceen magaalada Muqdishu ayna kala tageen gobollada dalka.

Duulimaadyada dib loo fasaxay maanta ayaa ku eg kuwa isaga kala gudba gudaha dalka iyadoo Soomaaliya aysan wali dib u bilaabin duulimaadyadii caalamiga ahaa.

Wariyaha VOA, Xassan Kaafi Qoyste ayaa warkan ka soo diray Muqdisho.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:37 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG