Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo sheegatay dilka xildhibaan ka tirsanaa Hirshabelle


Maleyshiyada ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay dileen xildhibaan ka tirsan maamul goboleedka Hirshabeelle.

Xildhibaanka ayaa la sheegay in uu la socday baabuur uu ka soo raacay magaalada Jawhar, isaga oo ku socday magaalada Muqdishu.

Xildhibaankan ayaa ilo kala duwan ay magaciisa ku sheegeen Maxamed Maxamuud Xuurshe (Siyaad).

Ilo wared ku sugan magaalada Balcad ayaa VOA u sheegay in baabuurka uu xildhibaanku la socday ay dablay ka leexiyeen jidka agagaarka deegaanka Gololey ka dibna ay la degeen xildhibaanka.

Xildhibaanka ayaa lagu dilay deegaanka Yaaqle oo Gololey 16km dhanka bari kaga beegan sida ay VOA u xaqiijiyeen dad degaanka ku sugan.

Haddaba, sida uu dilkaasi u dhacay iyo wararkii ugu danbeeyey ayuu Haaruun Macruuf ka wareystay wariyaha VOA, Xuseen Xassan Dhaqane.

Al-Shabaab oo dishay xildhibaan ka tirsanaa Hirshabelle
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:14 0:00

Dhinaca kale, ilaa afar qof ayaa lagu dilay dagaal beeleed shalay ka dhacay deegaanka Maaxaay oo hoostaga degmada Warsheekh ee gobolka Shabellaha Dhexe, iyadoo lagu soo warramayo in xiisad ay wali ka taagan tahay deegaanka.

Dhowaan ayuu deegaankan tagay gdoomiyaha gobolka Shabellaha Dhexe oo maalmo dhowr ah u joogay halkaasi si uu u xalliyo khilaafka labada beelood oo isku haya dhul.

XS
SM
MD
LG