Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shan qof oo ku dhintay qarax ka dhacay duleedka Baydhabo


Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhintay qarax maanta ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo.

Qaraxa ayaa ka dhashay walxaha qarxa oo la sii dhigay maqaayad ku taalla deegaan 3km dhanka koonfureed kaga beegan magaalada. Goobta la beegsaday ayaa waxaa ku taalla bar kontorool oo ay leeyihiin ciidmada ammaanku.

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, iyadoo dhaawacyadooda loo qaaday isbitaalka magaalada Baydhabo.

Wararka aan ka heleyno deegaanka uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegaya in ciidamada amnigu ay halkaasi ka wadaan baaritaan ku aaddan qaraxan dhaliyey khasaaraha dhimasho iyo dhaawac.

Haddaba, wararkii ugu danbeeyey waxaa Baydhabo ka soo diray, Mukhtaar Maxamed Catoosh.

Qarax ka dhacay duleedka Baydhabo
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:32 0:00


XS
SM
MD
LG