Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax lala beegsaday agagaarka Dekedda Muqdisho


Qarax ismiidaami ah ayaa maanta ka dhacay agagaarka dekedda weyn ee Muqdisho.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa waxaa ku dhintay qofkii waday, waxaana ku dhaawacmay shan askari oo kale, sida ay saraakiisha boolisku sheegeen.

“firir ayaa nagu soo dul dhacay gudaha dekedda, waxaanna maqlayaa rasaas. Ciidamada ammaanka ayaa hadda goobta ku wareegsan,” ayuu qof ka shaqeeya dekedda u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Afhayeenka ciidamada booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Aadan Cali ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in bartilmaameedka weerarkani uu ahaa Xarunta Ilaalinta Canshuuraha ee u dhow dekedda Muqdisho.

Afhayeenka Boolisku waxa uu sheegay in shan askari oo boolis ah ay ku dhaawacmeen weerarkan.

Qaraxa Muqdisho ayaa noqonaya kii ugu xooganaa oo ilaa iyo December sanadkii hore ka dhaca magaalada.

Wariyaha VOA, Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warkan ka soo diray Muqdisho.

Qarax ka dhacay agagaarka dekedda Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:56 0:00


XS
SM
MD
LG