Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamadeynta dad loo haysto dilka Khashaggi oo ka billaabatay Turkey


Labaatan qof oo u dhashay Sacuudiga oo ay ku jiraan laba kaaliyeyaal u ahaan jiray Dhaxal-sugaha boqortooyada, Maxamed bin Salmaan, ayaa Jimcaha maanta ah ay maxkamadeyntooda ka billaabatay Turkiga iyagoo maqan, waxaana lagu soo eedeeyey dilkii iyo jarjaristii loo gaysteen wariye Jamaal Khashoggi.

Khashoggi, oo ahaa 59 jir, ayaa la shaqeyn jiray boqortooyada, laakin isku bedelay inuu dhaleeceyn u soo jeediyo uuna qoraallo ku qoro wargayska The Washington Post, ka hor intii aan lagu dilin gudaha qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istanbul 2-dii October, 2018-kii halkaasi oo uu u tagay in uu dukumiintiyo uga helo arooska lammaantiisa Turkish-ka ah, Hatice Cengiz.

Xeer-ilaaliyeyaasha Turkiga ayaa sheegaya in ku-xigeenka madaxa sirdoonka Sucuudiga, Axmed al-Assiri, iyo sarkaalka warbaahinta ee boqortooyada, Saud al-Qahtani, ay hogaaminayeen howlgalka lagu dilay Khashoggi, ayna amrayeen kooxda wax dishay.

Waxaa si rasmi ah dacwad loogu soo oogay bishii Maarso, taasi oo ah in ay “qorsheeyeen dilka ula kac ah, islamarkaana argagax leh” oo uu sababay ciqaab loo gaystay Khashggi.

18 kale oo la tuhunsan yahay oo ay ku jiraan Maher Mutreb oo ahaa sarkaal ka tirsanaa sirdoonka oo had iyo jeerna la safri jiray dhaxal-sugaha Sacuudiga, Salah al-Tubaigy oo ah khabiir caddeymo-danbiyeedyada iyo Fahad al-Balawi, oo xubin ka ahaa ilaalada boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu soo oogay dacwad ah in ay "si ula kac ah oo bahalnimo ah u dileen” Khashoggi.

Xeer ilaaliyaha ayaa horey u soo saaray amar lagu doonayo in lagu xiro eedeysaneyaashan oo ka maqan Turkey-ga.

Cengiz, oo ah qofka dacweynaya eedeysaneyaasha, ayaa xaadirtay maxkamadda iyadoo ay weheliso Agnes Callamard oo ah Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha dilalka ka baxsan sharciga, iyo kuwa aan sababta laheyn.

Yasin Aktay, oo saaxiib dhow la ahaa Khashoggi, islamarkaana la-taliye u ah xisbiga talada haya ee Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sidoo kale ku sugnaa xarunta maxkamadda.

Erdogan ayaa sheegay in amarka lagu dilay Khashoggi uu ka yimid “xubnaha ugu sarreeya” ee dowladda Sacuudiga, laakiin wali si toos ah dilkan uguma uusan eedeynin Amiir Maxamed bin Salmaan oo ah Dhaxal-sugaha Boqortooyada.

AFP

XS
SM
MD
LG