Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya oo dib u fureysa duulimaadyada gudaha


Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dib loo furayo duulimaadyada gudaha dalka oo horey loogu xiray iyada oo lagu dhaqmayo talooyinka xakameynta faafitaanka cudurka COVID-19.

Qoraal maanta kasoo baxay Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa lagu yiri “Golaha ayaa dood dheer oo ay yeesheen kaddib waxay cod aqlabiyad leh ku ogolaadeen in si taxadar leh dib loogu bilaabo duullimaadka gudaha maalinta Axadda ah ee taariikhdu tahay July 05, 2020, iyada oo maalintiiba ay dowlad gobaleedyada dalka tageyso hal diyaarad.”

Go’aanka dib loogu furayo duulimaadyada, ayaa Golaha Wasiirada ay sheegeen in la qaatay si loo fududeeyo isu socodka Bulshada.

Dowladda Soomaaliya ayaa joojisay duulimaadyada gudaha Soomaaliya, 28-kii March, taasi oo qeyb ka ahayd dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka cudurka Coronavirus.

Soomaaliya ayaa illaa hadda waxaa laga diiwaan-geliyey 2,835 kiis oo cudurka COVID-19 ah, ayada oo ay u dhinteen 90 qof, halka 829 qof ay kasoo bogsadeen.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG