Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya oo laga xusay munaasabadda 1-da Luulyo


Xuska Kowda Luulyo

Meelo kala duwan oo ah Soomaaliya iyo dalka dibeddiisa ayaa xalay iyo maanta laga xusayaa maalinta xorriyadda Soomaaliya ee 1-da Julay.

Calan-saarka ayaa xalay dhacay saqdii dhexe, iyadoo maanta magaalada Muqdisho ay mas’uuliyiintu ubax dhigeen taallada dhagaxtuur.

Waxaa sidoo kale laga xusay magaalooyin ka baxsan Muqdishu, sida magaalada Baydhaba oo xalay mas’uuliyiinta maamul goboleedka Koonfur Galbeed ay kula hadleen dadweyne kasoo qaybgalay dabbaaldegga maalinta xorriyadda.

Weriyayaasheena Muqdisho iyo Baydhaba Cabdulqaadir OK iyo Mukhtaar Maxamed Catoosh ayaa warbixinadan soo diray.

Soomaaliya oo laga xusay munaasabadda 1-da Luulyo
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:45 0:00


XS
SM
MD
LG