Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Deni oo taageeray mowqifka baarlamanka Puntland ee matalaadda Muqdisho


Saciid Deni
Saciid Deni

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in uu taageersan yahay go’aankii golaha baarlamaanka ee maamulka Puntland uu ka qaatay arrimaha doorashada Soomaaliya iyo matalaadda magaalada Muqdisho.

Baarlamanka Puntland ayaa kasoo horjeestay go’aanada la xiriira doorashooyinka ee uu gaaray Golaha Shacabka Soomaaliya iyo 13 kursi oo Golaha uu ansixiyey in Gobolka Banaadir uu ka helo Aqalka Sare.

Madaxweyne Dani ayaa mowqifkiisa ka sheegay munaasabad lagu xusayey 1-da Luulyo oo xalay ka dhacday magaalada Gaalkacyo.

Wariyaha VOA-da Cabdiwaaxid Macallin Isaaq ayaa warbixintan noo soo diray.

Saciid Deni oo taageeray mowqifka baarlamanka Puntland
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:25 0:00


XS
SM
MD
LG