Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Garoonka ciyaaraha ee Stadium Muqdisho oo dib loo furay


Garoonka Muqdisho Stadium

Garoonka Ciyaaraha ee Stadium Muqdishu ayaa maanta dib loo furay ku dhowaad laba sano kadib markii ay ka baxeen ciidamada AMISOM, oo halkaas deganaa sanado badan.

Garoonka ayaa waxaa saameeyey, oo uu ku burburay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay, in muddo ahna laguma ciyaarin ciyaaraha kubadda cagta.

Furitaanka maanta oo ay ka qeyb-galeen madaxda dowladda federaalka ayaa yimid kadib markii garoonka dayactir xooggan lagu sameeyey.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG