Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yarey) ayaa dhowaan soo bandhigtay laba hab doorasho oo ay sheegtay in ay dalka ku qabsoomi karto, kuwaas oo kala ah habka Diwaangelinta Casriga ah ee biometric iyo habka diiwaan-gelinta gacanta.
Xaliimo Yarey waxay sheegtay in habka koowaad ee diiwaan-gelinta casriga ah haddii la qaato ay Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinku u baahan yahay ilaa 13 bilood oo ka bilaabaneysa July 2020-ka ilaa August 2021-ka, si ay doorashada baarlamaanku u qabsoonto bisha August ee 2021-ka.
Waxay sidoo kale sheegtay in habka labaad oo ah habka diwaan-gelinta gacanta uu yahay mid ka waqti iyo qarashba yar habka koowaad, una baahnaan doonaa muddo 9 bilood oo dheeri ah oo ka bilaabaneysa July 2020-ka illaa March 20221-ka.
Haddaba maxay yihiin labadan nooc ee doorasho ee guddigu soo jeediyey? Su’aashaas waxaa ka jawaabaya Prof. Afyare Cilmi oo ku sugan dalka Canada, horeyna daraasad uga sameeyey nooca doorasho iyo suurta-galnimadeeda Soomaaliya.