Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhibaato soo wajahday qaxooti Soomaali ah oo ka soo laabtay Yemen


Qaar kamid ah qoysas ka soo laabtay xeryaha qaxootiga ee dalka Yemen ayaa waxa ay ku biireen barakacayaasha ku nool magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Arrintan ayaa timid ka dib markii ay dadkan ku adkaatay bixinta kirada guryaha, korantada, nooliga qoyska iyo biyaha, taasi oo ku qasabtay in qoysas dhowr ah ay degaan xeryaha barakacayaasha oo aysan jirin gargaar wanaagsan oo ay ku helaan.

Haddaba, wariyaha VOA, Cabdicasiis Barrow, ayaa warbixintan ku eegaya nolosha qoys 10 qof ka kooban oo Yemen ka soo cararay iyo nolosha cusub ee barakaca ah ee ay iminka wajahayaan.

Xaaladda qaxooti Soomaali ah oo ka soo laabtay Yemen
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:51 0:00


XS
SM
MD
LG