Isku xirrada

War Deg-Deg ah

G. Banaadir oo loo ansixiyay inuu matalaad ku yeesho Aqalka Sare


Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay xeerkii matalaad uu gobolka Banaadir ku yeesho Aqalka Sare. Doodda la xiriirta xeerkan ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa si weyn uga doodayay mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Cod loo qaaday meel-marinta xeerkan ayaa 142 mudane waxa ay ogolaadeen in gobolka Banaadir uu qoondo 13 senator ah ku yeesho Aqalka Sare. 4 mudane ayaa ka soo horjeesatay meel-marinta xeerkan.

Baarlamaanka ayaa sidoo kale waxaa qodobada horyaalla ka mid ah ka doodista muddeynta waqtiga ay dhaceyso doorashada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Yarey oo baarlamanka ka hor hadashay ayaa caddeysay in doorashada habka diiwaan-gelinta ay ku dhici karto muddo 13 bilood gudahood ah laga bilaabo bisha July 2020-ka illaa bisha Agaust ee 2021-ka.

Waxaa kaloo ay sheegtay in doorashada nooca diiwaan-gelinta ah aysan ku qabsoomi karin bisha November ee sanadkan oo ah xilliga muddo xileedka Baarlamaanku uu ku egyahay, iyadoo sheegtay in ay ku qabsoomi karto illaa bisha Agaust ee 2021-ka.

Warbixintan waxaa Muqdisho ka soo diray wariyaha VOA ee Muqdisho, Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Baarlamaanka oo ansixiyey in G.Banaadir oo matalaad ku yeesho Aqalka Sare
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:37 0:00


XS
SM
MD
LG