WASHINGTON —
War qoraal ah oo shalay ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Soomaaliya aaney weli awood lahayn inay Al-Shabaab ka eryaan meelaha ay ku xooganyihiin.
Awood darradaas ayey wasaaraddu sheegtay inay u suuragelisay maleeshiyada Al-Shabaab inay si xor ah u maamushaan qeybo ballaaran oo ka mid ah Soomaaliya.
Mareykanka ayaa arrrintan kaga hadlay warbixinta Guud ee Wasaaradda Arrimaha dibadda ee la dagaalanka argagixisada ee sanadkii tagay ee 2019-ka.
Hadalkan ka soo yeeray Mareykanka ayuu Maxamed Colaad Xassan wax ka weydiiyay, Xuseen Macalin Maxamuud, la-taliyihii hore ee Amniga Qaranka haatanna ah madaxa Machadka Hiraal ee daraaseeya arrimaha amniga iyo argagixisada.
Facebook Forum