Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirka madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada oo la waqtiyeeyey


Farmaajo
Farmaajo

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku casuumay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in ay kasoo qeyb galaan Shirka Golaha Amniga Qaranka oo ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Sida lagu sheegay qoraalka madaxtooyada, shirkan oo qabsoomaya inta u dhaxaysa 5-8 Luulyo, 2020 ayaa ajandihiisu yahay “sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.”

Shirkan ayaa yimid saddex maalmood kadib markii Isniintii ay qaab online ah ku kulmeen madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Weli ma jiraan maamul goboleedyo ka jawaabay caasumadda madaxweynaha oo sheegay inay shirka ka qeyb-galayaan iyo in kale.

Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa 9-kii bishan June ugu baaqday madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in sida daatuurku uu qabo uu kulan la yeesho dhammaan madaxda dawlad goboleedyada.

Dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaan weli si rasmi ah uga wada-hadlin arrimaha doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan daba-yaaqada sanadkan iyo horraanta sanadka xiga.

XS
SM
MD
LG