Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cabdi Xaashi: Nuqul xeer doorasho oo aan sax ahayn ayaa la horgeeyey G/Shacabka


Xildhibaanada Soomaaliya
Xildhibaanada Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in Golaha Shacabka la horgeeyey nuqul aan ahayn midkii loo soo gudbiyay Guddoonka Labada Aqal ee baarlamanka ee la xiriira afartii xeer ee ay soo diyaareen Guddiga Wada-jirka ee Labada Aqal.

Cabdi Xaashi ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Waxaa dhacday in dukumiinti ka duwan nuqulkii loo soo gudbiyay Guddoonka Labada Aqal ee BFS ee la xiriira afartii xeer ee ay soo diyaareen Guddiga Wada-jirka ahaa loo qaybiyay mudaneyaasha Golaha Shacabka 17 June 2020, ka doodistiisana ay haatan ka socoto Golaha Shacabka, laguna baahiyay warbaahinta Dalka.”

Cabdi Xaashi ayaa ku eedeeyey guddoonka Golaha Shacabka inay qaateen wax uu ugu yeeray go’aan siyaasadeed.

“Guddoonka Golaha Shacabka waxay qaateen wax aan ku tilmaami karno go'aan siyaasadeed oo sharciyadda ka dilaya nidaamka doorashada Dalka, isla markaana dhaawacaya nidaamka xeer-dejinta Dalka ee ku qeexan Madaxa Aafraad, Cutubka Lixaad ee Dastuurka KMG ah, kaas oo xeerinaya habraaca xeer dejinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri.

“Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare isaga oo ka digaya cawaaqibka ka dhalanaya falka ka-been-abuurista Afarta deer ee kor ku xusan, wuxuu u soo jeedinayaa Guddoonka Golaha Shacabka in si deg-deg ah dib loogu noqdo nuqulkii asalka ahaa ee Guddiga Wadajirka ahi u soo gubiyeen Guddoonka Labada Aqal ee BFS, lana maro habraaca dastuuriga ah ee xeer-dejinta dalka.”

Cabdi Xaashi ayaa sheegay inuu farayo “Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka in aysan doorashada Qaran 2020/2021 u isticmaali karin go'aan kasta oo ka soo baxa Golaha Shacabka oo si gaar ah ugu saabsan afarta xeer ee laga been abuuray, Inta laga saxayo qoraalka Afarta Xeer ee loo qaybiyay xubnaha Golaha Shacabka lana marayo habraaca xeer-dejinta dastuuriga ah ee dalka.”

XS
SM
MD
LG