Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xiisadda Nile: Soomaaliya iyo Jabuuti oo diiday qaraar lagu taageeray Masar


Axmed Ciise Cawad
Axmed Ciise Cawad

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa diiday inay ansxiyaan qaraar kasoo baxay Ururka Jaamacadda Carabta oo lagu taageeray Masar oo xiisad la xiriirta webiga Nile ay kala dhaxeyso Itoobiya.

Qaraarkana ayaa ku baaqay in Ethiopia ay dib u dhigto buuxinta biyo-xireenka ay ka sameysay Webiga Nile, inta ay heshiis buuxa kala gaareyso dalalka Masar iyo Sudan oo kasoo horjeeda.

Qaraarka Jaamacadda Carabta ayaa waxaa soo gudbiyey Masar, waxaana ansixiyey dhammaan wasiirada arrimaha dibedda ururka marka laga reebo Soomaaliya iyo Jabuuti.

Soomaaliya ma shaacin sababta ay u diiday qaraarkii shalay, hase yeeshee wasiirka arrimaha dibedda Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay 23-kii March sheegay in Soomaaliya ay mawqif dhexdhexaad ah ay ka qaadatay muranka u dhexeeya Masar iyo Ethiopia.

Sidoo kale, Cawad oo hadal ka jeediyey kulankii shalay, oo lagu qabtay qaab muuqaal online ah, ayaa ugu baaqay Masar, Itoobiya iyo Sudan inay qaab wada-hadal ah oo faa’iido u wada ah, ku dhammeeyaan khilaafka u dhaxeeya.

Itoobiya ayaa sheegtay inay bisha July billaabeyso buuxinta biyo-xireenka oo ka dhistay meel ku dhow xuduudda ay la wadaagto Sudan, oo uu ku qul-qulo webiga Nile.

Masar, oo webiga Nile u yahay isha ugu weyn ee ay biyaha ka helaan 100-ka milyan ee qof ee dalkaas ku nool, ayaa diidan in biyo-xireenka la buuxiyo ayada oo aan heshiis laga gaarin.

AFP

XS
SM
MD
LG