Dood adag ayaa ka taagan tirada ay tahay in gobolka Banaadir laga siiyo kuraasta Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya, oo hadda gobolka uusan wax matalaad ah ku lahayn.
Guddiga isku dhafka labada aqal ee dhameystirka xeerka doorashooyiinka ayaa dhowaan soo jeediyey in gobolka la siiyo 7 kursi oo dheeri ku noqonaya 54-ka kursi ee Aqalka Sare, si taas ay u dhacdana dastuurka wax laga beddelo.
Siyaasiyiin iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, oo ka hadlay kulankii shalay ee Golaha Shacabka, ayaa aragtidooda ka dhiibtay maqaamka iyo matalaadda magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada qaar ayaa soo jeediyey in gobolka la siiyo 13 kursi, ayaga oo ku dooday in 7 kursi aysan u qalmin tirada dadka ku nool gobolka.
Wariyaha VOA-da ee magaalada Muqdisho Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan soo diray.