Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Farmaajo oo taliyeyaal cusub u magacaabay ciidamada Dhulka iyo Badda


Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa taliyeyaal cusub u magacaabay ciidamada Dhulka/Lugta iyo Badda Soomaaliya, isaga oo isku beddelay labadii taliyey ee xilalkan horey u hayey.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada, Madaxweyne Farmaajo ayaa u magacaabay Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir, oo hore u ahaa Taliyaha Ciidanka Lugta/Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka, inuu noqdo Taliyaha cusub ee Ciidanka Badda.

Xilka uu baneeyey Dirir ee Taliyaha Ciidanka Lugta/Dhulka ayaa waxaa loo magacaabay Sarreeye Guuto Cabaas Amiin Cali, oo isaguna hore u ahaa Taliyaha Ciidanka Badda.

Qoraalka madaxtooyada ayaa lagu yiri “Madaxweyne Farmaajo ayaa taliyeyaasha xilalka loo kala wareejiyay la wadaagay kalsoonida uu ku qabo howl gudashadooda iyo in ay yihiin saraakiil sii xoojinaya kaalintooda ku aaddan dadaallada dib u dhiska ciidanka.”

Lama sheegin wax sabab ah oo keenay isbedelladan cusub ee lagu sameeyey hoggaanka labada ciidan.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG