Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Farmaajo oo Zoom kula shiray madaxda maamul goboleedyada


Farmaajo
Farmaajo

Warar aanu ka helanay ilo siyaasadeed ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada ay maanta yeesheen kulankii ugu horreeyey oo ku dhaca dhinaca aaladda Zoom ee muuqaalka iyo maqalka.

Wararku waxay intaas ku darayaan in soo jeedinta kulanka uu lahaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa sidoo kale kulankaas ka qaybgalay madaxda maamul goboleedyada Jubaland, Puntland, Koonfur Galbeed, HirShabelle, Galmudug, Banaadir iyo weliba Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Kulanka maanta dhacay ayaa wararku sheegayaan inaan weli lagu go’aamin goorta iyo goobta ay si fool-ka-fool ah ugu kulmi doonaan madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa bogaadiyey shirkaasi.

Kulankan ka hor ayaa dhowaan dawladda Soomaaliya waxay aqoonsantay madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo uu kala dhexeeyey khilaaf siyaasadeed.

XS
SM
MD
LG