Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qeyb ka mid ah garoonka diyaaradaha Buulo-Burte oo qarax lagu burburiyey


Buulo Burte
Buulo Burte

Qaraxyo miino ayaa lagu burburiyay hoolka ay ku nastaan rakaabka garoonka ka dhoofaya garoonka diyaaradaha degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan.

Dhawaqa seddax qarax oo miino ah ayeey dadka magaalada xalay saqdhexe ka maqleen garoonka diyaaradaha oo dhawaan dib u dhis lagu sameeyay.

Ma jiro wax khasaaro dhimasho iyo dhawac ah oo ka dhashay qaraxyada, madaama ay dhaceen xili habeen ah sidoo kalana dhawaanahan garoonka isticmaalin diyaaradaha shacabka.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa baaritaano ka wado garoonka, mana jiro ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha ciidamaa dowladda Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG