Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya oo shaacisay 24 kiis oo cusub oo COVID-19 ah


Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay diiwaan gelisay 24 kiis oo cusub oo ah dad laga helay cudurka COVID-19.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa lagu sheegay in dadkaas ay kala joogaan Somaliland oo 15 kiis ah, Puntland oo 6 kiis ah, iyo gobalka Banaadir oo 3 kiis laga soo wariyey.

Wasaaradda caafimaadka waxay sidoo kale sheegtay in Laba qof ay cudurka COVID-19 ugu geeriyoodeen Soomaaliya, taasi oo tirada guud ee geerida ka dhigeysa 90 qof.

Dhanka kale, waxay wasaaraddu sheegtay in xanuunka ay ka bogsoodeen 31 qof, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 782 qof , oo ka dhigan inay xanuunka ka bogsadeen ilaa 28% dadkii uu feyrusku haleelay.

Tirada guud ee kiisaska Soomaaliya ay diiwaangelisay ilaa iyo haatan ayaa ah 2,779 xaaladood oo COVID-19 ah.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG