Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaraxyo khasaare geystay oo ka kala dhacay Wanlaweyn iyo Bacaadweyn


Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhintay laba qarax oo ka kala dhacay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida ay maanta oo Axad ah sheegeen saraakiil ka tirsan booliska iyo militariga.

Qaraxa hore ayaa ka dhashay laba bam oo lagu aasay afaafka hore ee guri sarkaal ka tirsan ciidamada militariga Soomaaliya ee gudaha magaalada degmada Wanlaweyn oo 90 km dhanka waqooyi-galbeed kaga began caasimadda Muqdisho, waxaana uu qaraxani oo dhacay habeenimadii xalay ku geeriyooday afar qof oo isugu jira militari iyo shacab.

“Marka hore waxaan maqalnay qarax ka dhacay guriga. Sarkaalka milatariga ahaa waa uu maqnaa xilligaasi. Ilaalada iyo dadka deegaanka ayaa yimid si ay u ogaadaan waxa sababay qaraxa, ka dibna qarax labaad ayaa dhacay,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters Maxamed Nuur oo ah sarkaal booliska oo ku sugan Wanlaweyn.

Qaraxa kale ayaa ka dhacay bar ciidan oo ku taalla deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug, halkaasi oo saddex mintidiin ah ay maanta la beegsadeen weerar ismiidaamin ah.

Ciidamada ayaa rasaas ku furay gaariga ka dib markii uu waduhu u hogaansami waayay amar ay ku siiyeen inuu istaago.

Saddex ka tirsan ciidamada ayaa qaraxan ku geeriyooday iyadoo laba kale ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay Major Cabdullaahi Axmed oo ah sarkaal ka tirsan militariga oo ku sugan magaalada Gaalkacyo.

Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda labadan weerar ee ka kala dhacay magaalooyinka Wanlaweyn iyo Bacaadweyn.

Dadka ku nool deegaanka Bacadweyn, oo 180 km dhanka koonfur-bari ka xiga magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in ay ka cabsanayaan in weerarka ay qaadday Al-shabaab.

“Al Shabaab weligeed nama soo weerarin. Waxaan aad uga argagaxnay saaka, in aan aragno gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay. Ciidamada dowladda ayaa ah bartilmaameed, laakiin weerarrada noocaan ah uma turayaan dadka rayidka ah,” ayuu Reuters u sheegay Xassan Nuur oo ka tirsan odayaasha deegaanka.

REUTERS

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG