Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Galmudug: Daahfurka Mashruuca Dhismaha Dekedda Hobyo


Maamul Goboleedka Galmudug, siyaasiyiin, gacansato iyo waxgarad gobolladaasi ka soo jeeda ayaa bilaabay qorshe iskutashi ah oo ay ku doonayaan in ay dib ugu dhisaan kaabayaasha dhaqaalaha ee Galmudug.

Degmada Hobyo ee gobolka Mudug ayaa xalay waxaa xalay ka dhacay xaflad lagaga dhawaaqay lacag gaaraysa 90 malyuun oo doollarka Mareykanka ah, taasi oo loo yaboohay in lagu dhiso dekedda Hobyo.

Dekedda Hobyo ayaa ahmiyad gaar ah u leh gobollada dhaca bartamaha Soomaaliya, waxaana mashruuca dhismeheeda uu yahay mid in badan ay dadka deegaanku rajeynayeen.

Wariyaha VOA ee gobollada dhexe, Cabdiwaaxid Macallin Isaaq ayaa kulankii xalay ka qeybgalay, warbixintanna nooga soo diray.

Dhismaha Dekedda Hobyo
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:07:01 0:00


XS
SM
MD
LG