Maanta ayaa waxaa dunida laga xusayaa maalinta caalamiga ah ee qaxootiga adduunka. In ka badan 217, 000 oo qaxooti ku ah xerada Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa wajahaya xaalado adag oo dhinaca nolosha ah.
Xeryahan ayaa waxaa saameyn ku yeeshay cudurka Covid-19, oo ilaa 11 xaaladood oo coronavirus ah laga helay dad ku nool xerada Dhadhaab.
Dad ka badan 30,000 oo qaxooti ah ayaa u baahan gargaar waxaana dadka ku jira qaxooti cusub iyo kuwa ay kaararkii ay raashinka ku qaadanayeen ay ka xayiran yihiiin.
Wariyaha VOA ee xeryaha qaxootiga ee Kenya Cabdisalaan Salas ayaa warbixintaan ku eegaya xaalka qaxootiga Soomaalida ah ee xerada qaxootiga Dhadhaab.
Dhinaca kale, Hay,ada Qaxootiga iyo Barakacayasha Somaliland ayaa xuska Maalinta Qaxootiga Adduunka ee 20-ka June waxa ay ku sheegtay in gudaha Somaliland ay ku sugan yihiin qaxooti gaaraya 21,000 oo qoys, kuwaasi oo ka soo qaxay dalal kala duwan.
Warkan waxaa Hargeisa ka soo diray wariyaha VOA, Khadar Maxamed Cakule.