Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mudaaharaad uu qof ku dhintay oo ka dhacay G. Bari


Inta la ogyahay hal qof oo shacab ah ayaa ku dhintay qof kalena waa uu ku dhaawacmay kadib markii ay ciidamo ka tirsan Puntland ay rasaas ku fureen dad ku mudaharaadayey tuulada Laag oo magaalada Boosaaso u jirtay 30 KM.

Mudaaharadeyaasha ayaa ka cabanayey maamullo afar waaxood ah oo loo qaybiyey magaaladda Boosaaso, kaasi oo aysan ka helin kursigii ay ka filayeen in ay ka heli doonaan.

Mudaharaadka maanta ka dhacay tuulada Laag ayaa yimid xilli maalmihii la soo dhaafay ay soo kordhayeen isku dayada ay dadka qaar ku doonayeen iney banaanbax ku muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan go’aanka maamulka degmada Boosaaso iyo Gobolka Bari ay ku doonayeen in ay maamullo xaafadeed kaga hirgeliyaan magaalada Boosaaso.

Sida ay wararku sheegayaan, laamaha ciidamada ammaanka ayaa ka hortagay in ay qabsoomaan banaanbaxyadaasi.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG