Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM: waa in la taageero baracayaasha iyo qaxootiga ku nool Soomaaliya


Iyadoo maanta dunida oo dhan laga xusayo maalinta caalamiga ah ee qaxootiga adduunka ee 20-ka June ayaa xafiiska Qaramda Midoobay ee Soomaaliya waxa ay ku baaqeen in la dardargeliyo dedaallada lagu caawinayo qaxootiga iyo barakacayaasha ah ee gudaha Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay xafiiska QM ee Soomaaliya ayaa si gaar ah loogu xusay dadaallada ay waddo dowladda Soomaaliya ee ku aaddan badbaadada dadka ku barakacay colaadaha ka jira qeybo ka mid ah dalka.

“Hay’adaha Soomaaliya waxay dadaal dhab ah oo hagar la’aaneed u galeen taageerada iyo dhowridda xuquuqda magan-gelyo iyo badbaadinta dadka ku barakacay colaadaha, cadaadis ay ka carareen iyo saameynta isbedelk cimilada. Arintan waxaa sii adkeeyay aafada cudurka COVID-19–waa in [hay’adahaSoomaaliyeed] lagu amaano dadaalladooda,” ayuu qoraal ka soo baxay xafiiska QM ee Soomaaliya ku yiri James Swan oo ah Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya.

QM ayaa sheegtay in dad ka badan laba milyan iyo bar oo qof oo Soomaali ah ay ku barakaceen gudaha dalka Soomaaliya. Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale ku sugan ilaa 30 kun oo qaxooti iyo magan-gelya doon isugu jira kuwaasi oo ka soo jeeda dalalka Yemen iyo Ethiopia, sida warsaxaafadeedka lagu sheegay.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in Maalinta Qaxootiga Adduunka ay sanadkan ay timid xilli ay Soomaaliya ka jiraan caqabado dhowr ah oo ay ka mid yihiin dagaalka lagula jiro cudurka COVID-19, dhibaatada ayaxa, iyo fatahaado ka dhacay qeybo ka mid ah dalka.

“Waxaa ka dhashay caqabado aan horay loo arag, laakiin waxaan aragnay adkeysi iyo waxqabad muuqdo oo ay muujiyeen dadka soo barakacay oo kaalintooda ka qaatay sameynta is-bedello, iyagoo Ku dhaqaaqay hawlo [kaladuwan] sida sameynta Maryaha sanka iyo afka lagu xirto (face masks) iyo saabuun. Waa in aan garab istaagnaa oo aan xaqiijino in guulaha la gaaray aan la lumin,” ayuu yiri Johann Siffointe, oo ah wakiilka hay’adda qaxootiga ee UNHCR.

XS
SM
MD
LG