Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM: Ha la dhameeyo xadgudubyada galmo ee Soomaaliya


James Swan
James Swan

Ayada oo maanta ay ku began tahay Maalinta Caalamiga ah ee Ciribtirka Xadgudubka Galmoodka ee xilliyada Colaadda, ayaa Qaramada Midoobay waxay ku baaqday in la qaado tallaabo dheeri ah si loo ciribtiro rabshadaha galmada ee la xiriira colaadda ee ka dhaca Soomaaliya.

QM ayaa ugu baaqay madaxda Soomaaliya, bulshadda iyo la-hawlgalayaasha inay wax dheeraad ah ka qabtaan sidii ay u caawin lahaayeen una dhageysan lahaayeen dhibanayaasha iyo kuwii ka badbaaday rabshadaha galmada la xiriirta colaadaha (CRSV).

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska QM ee Soomaaliya ee UNSOM, sannadkii 2019, tirada kiisaska kufsiga ee laga soo sheegay Soomaaliya waxay ahaayeen 744, oo 241 ka mid ah la xaqiijiyay inay yihiin kiisas CRSV oo lala beegsaday haween iyo gabdho.

Tirada ayaa la rumeysan yahay inay intaas ka badan tahay sababo la xiriira in dadka ugu badan ee ka badbaada xadgudubka galmada ee la xiriira xilika colaadaha aysan soo sheegin.

“Rabshadaha galmada la xiriira xilliyada colaadaha waxay reebaan dhaawacyo qotodheer oo shakhsi ah, waxayna sii ahaadaan kuwo xadgudub ku ah xuquuqda aadanaha ee dhibanayaasha. Waxay sidoo kale dhaawacaan isku xirnaanta bulshada iyo dalka, boosna ugama banaana Soomaaliyada casriga ah, ee soo ifbaxaysa” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

XS
SM
MD
LG