Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda federaalka iyo Somaliland oo heshiis kala saxiixday


Heshiiska dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland
Heshiiska dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland

Shirkii u dhaxeeyay dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ee ka socday dalka Jabuuti ayaa xalay lasoo geba-gebeeyey ayada oo la isku raacay shan qodob.

Qodobada ay dhinacyada isku raaceen ayaa waxaa ka mid ah Sidii loo meel marin lahaa qodobadii lagu heshiiyey shirarkii hore ee aan la hirgelin, kuwaasi oo guddi loo saaray.

Waxaa sidoo kale la isku raacay in dib loo dhiso kalsoonidii labada dhinac iyo in labada dhincba ay soo saareen guddi ka wada xaajoon doona arrimaha Hawada, kuwaasi oo muddo shan iyo toban cisho ah kadib ku shiri doona waddanka Jabuuti.

Maxamed Cabdi Xasan ayaa waxyaabaha lagu heshiiyey ka wareystay weriyaha VOA ee Jabuuti Ramadan Muuse.

Dowladda federaalka iyo Somaliland oo heshiis kala saxiixday
please wait

No media source currently available

0:00 0:09:14 0:00



XS
SM
MD
LG