Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Dhibaatada haysata xawaaladaha Soomaalida


Shalay oo taariikhdu ay ku beegneyd 16-ka bisha June waxaa dunida laga xusay maalinta caalamiga ah ee lacagaha ay qoysasku isu diraan.

Si ka duwan sanadihii hore, sanadkan waxa ay ku soo aaday iyadoo malaayiin qof oo dadka muhaajiriinta ah oo ehelladooda lacago qurbaha uga diri jiray uu dhaqaale ahaan saameeyay xanuunka COVID-19.

Soomaalida waxaa u sii dheer, xayiraadaha duulimaadka oo saameeyay lacago kaash ah oo xawaaladuhu ay qaadi jireen, maadaama ay horey bangiyadii la macaamili jiray ay diideen inay adeegyo u fidiyaan.

Haddaba dhibaatada xawaaladaha Soomaalida heysta ayaa Maxamed Colaad Xassan uu wax ka weydiiyay Xuseen Maxamud Siyaad (Xuseen Caato) oo ah khabiir ku xeel dheer dhaqaalaha, horeyna u soo noqday wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladii Kacaanka, kana soo shaqeeyay bankiga dhexe iyo kii ganacsiga ee Soomaaliya, haatanna xubin ka ah - guddi dhinaca dhaqaalaha kala taliya Dowladda Federalka Soomaaliya.

please wait

No media source currently available

0:00 0:08:18 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG