Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal beeleed ka dhacay xadka gobolka Hiiraan iyo Itoobiya


Deegaanka Abaalay ee xadka gobolka Hiiraan uu la wadaago Itoobiya, ayaa shalay waxa ka dhacay dagaal beeleed sababay dhimashada in ka badan lix qof inta la og yahay, iyadoo khasaare kalena uu geystay dagaalkaasi.

Xildhibaan Mahad Xasan Cismaan oo ka tirsan maamulka Hir-Shabelle, horena u soo noqdey wasiirkii warfaafinta maamulkaasi ayaa ku baaqay in dirirta la joojiyo, waxana uu ku eedeyay dagaalka in ay qayb ka noqdeen ciidamada militariga Soomaaliya ee gobolka jooga.

Dhinaca kale taliye Faarax Kooshin oo hoggaamiya guutada 5-aad ee ciidamada militariga Soomaaliya, ayaa eedda xildhibaanka waxba kama jiraan ku tilmaamay, waxana uu sheegey in ciidamada ay qabtaan shaqada loo igmaday oo ah inay la dagaallamaan cadow, ee aysan shacab la dagaalin.

Xildhibaanka iyo taliyaha ayaa labadaba u warramay Jamaal Axmed Cusmaan, waxaana ku horreynaya xildhibaan Mahad.

Dagaal beeleed ka dhacay xadka gobolka Hiiraan iyo Itoobiya
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:00 0:00


XS
SM
MD
LG