Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa dowladda ku qasbay inay aqoonsato Axmed Madoobe?


Axmed Madoobe

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa shaley soo saartey qoraal ay ku ogolaatey in Ahmed Madoobe yahay madaxweynaha KMG ah ee Jubaland, laba sano oo ka bilaabaneysa markii la doortey.

Waxaana sidoo kale ku xigtey warqad lagu casuumey inuu ka soo qeybgalo kulanka dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada oo lagu qabanayo magaalada Muqdisho.

Saacado kadib warqadda dowladda ayaa sidoo kale waxaa qoraal soo saarey maamulka Jubaland oo ku diidey aqoonsiga labada sano.

Arrimahan ayaa imanaya xili ay soo dhowdaha mudo xileedka dowladahada jirta, sidoo kalena waxaa jira culeyso sii kordhaaya oo beesha caalamka ku saarayana dowlada in ay la xaajooto maamul goboleedyada dalka ee ay is diidan yihiin.

Haddaba maxaa ku qasbay dowladda inay aqoonsato maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe? Falastiin Axmed Iiman ayaa arrimahaas warbixintan ku eegeysa.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:21 0:00



Facebook Forum

XS
SM
MD
LG