Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirka Jabuuti: Maxay yihiin qodobada ay Somaliland sheegtay inaan la fulin?


Somaliland ayaa shirka ka furmay Jabuuti, oo ay la leedahay dowladda federaalka kusoo bandhigtay, qodobo ay sheegtay inay horey ugula heshiisay dowladda federaalka, oo aan la fulin.

Qodobadaas ayaa waxaa ka mid ah in la joojiyo hadallada xanafta leh ee la is-dhaafsado, in si wadajir ah loo maamulo hawada Soomaaliya, iyo in Somaliland ay si ka madax-banaan dowladda federaalka ay u hesho deeqaha caalamiga ah ee lagu bixiyo magaca Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Maxamuud Faratoon, oo wareysi siiyey VOA ayaa faahfaahin ka bixiyey qodobadaas iyo ujeedka markii hore shirka uu ku yimid.

Waxa uu khadka taleefonka ugu warramay Sahra Ciidle Nuure.

Shirka Jabuuti: Maxay yihiin qodobada ay Somaliland sheegtay inaan la fulin?
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:50 0:00


XS
SM
MD
LG