Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirka guddiyada farsamo ee dowladda federaalka iyo Somaliland oo furmay


Shirka Jabuuti
Shirka Jabuuti

Dalka Jabuuti waxaa goor dhowayd ka furmay shirkii ay lahaayeen guddiyada farsamada ee labada dhinac ee dowladda federaalka iyo Somaliland ku matalaya wadahadallada.

Furitaanka shirka waxaa joogay saddexda madaxweyne ee Jabuuti, Soomaaliya iyo Somaliland.

Intaas kadib ayaa la sheegay inay shir wada galeen guddiyada farsamada, iyadoo wadahadallada u fududaynayo wasiirka arrimaha dibedda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.

Wadahadallada ayaa shalay ka furmay qasriga madaxtoyada Jabuuti, waxaana ay dhinacyadu ku heshiiyen inaan la siyaasadayn deeqaha horumarinta iyo maalgashiga caalamiga ah.

Sahra Cabdi Axmed ayaa warbixintan noo diyaarisay.

Shirka guddiyada farsamo ee dowladda federaalka iyo Somaliland oo furmay
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:02 0:00


XS
SM
MD
LG