Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa ka soo baxay kulankii dhinacyada Soomaalida ee Djibouti?


Waxaa magaalada Jabuuti ku soo xirmay maalintii koowaad ee furitaanka wadahadalka u dhxeeya dhinacyada Soomaaliya iyo Somaliland.

War murtiyeed ay soo saartay dowladda Djibouti ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay isku afgarteen in guddiyo farsamo ay sii ambaqaadaan wadahadallada, kuwaasi oo ka sii socon doona dalka Djibouti.

Laba dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyey inaan la siyaasadeyn kaalmada horumarinta iyo maalgashiga.

War murtiyeedku waxa uu ugu baaqay dhammaan beesha caalamka in ay hannaankan wadaxaajood taageeraan.

Dhinaca kale, waxaa soo baxaya in kulankii furitaanka ee maanta ay khudbado culus ka jeediyeen madaxda ka qaybagshay shirkaasi, sida madaxweynaha Djibouti, madaxweynaha Somaliland iyo weliba madaxweynaha Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa VOA u sheegay in aysan jirin waqti loo cayimay in wadahadalladan lagu soo afjaro.

XS
SM
MD
LG