Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wadahadalkii Djibouti oo la soo gabagabeeyey


Waxaa magaalada Djibouti ku soo xirmay maalintii koowaad ee furitaanka wadahadalka dhinacyada Soomaaliya iyo Somaliland.

Maalinta berri ah ayaa la filayaa in ay furmaan kulamo farsamo ah, sida uu VOA u sheegay ilo wareed diblomaasi ah oo codsaday inaan magaciisa la sheegin kuna sugan Djibouti.

Goobjoogayaal ayaa VOA u sheegay in aaney jirin waqti loo cayimay in wadahadalladan lagu soo afjaro, balse ay wadaadaladu furan yihiin.

Shirkan oo uu shir gudoominayay Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay wufuud kala duwan oo ka kala socday Mareykanka, Midowga Yurub, IGAD, iyo ra’iisulwasaaraha dalka Ethiopia, Aby Axmed.

Markii uu shirkani soo idlaaday ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle oo kulankan ku tilmaamay fursad qeyb ka ah nabadeynta Soomaaliya.

“Haddaanu nahay reer Jabuuti, waxaan had iyo jeer ku rajjo weynahay in walaalaheenna Soomaaliyeed ay heli doonaan waddo ay ku wada shaqeeyaan, mar walbana waan idin garab taagannahay, si aan u caawinno kobcinta natiijooyinka ugu wanaagsan ee dan u ah qof walba,” ayuu yiri Madaxweyne Geelle.

Haddaba, gababadii kulankan iyo hadalladii ay jeediyeen madaxda shirkan ka qeybgashay waxaa Caasha Cuud ay ka wareysatay wariyaha VOA, Ramadaan Muuse Jaamac.

Maxaa ka soo baxay wadahadalkii Djibouti?
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:02 0:00


XS
SM
MD
LG