Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali ku xayirneyd Nairobi oo dib ugu laabanaya Soomaaliya


Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxa ay ka mid tahay meelaha ugu badan ee ay ku xayiran yihiin boqolaal muwaadiniin Soomaaliyeed ah, kuwaasi oo uu saameeyay xayiraaddaha dhanka duulimaadyada ah ee loo soo rogay xakameynta xanuunka COVID-19.

Mas’uulyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya oo kaashanaya shirkadaha diyaaradaha, iyo mas’uulyiinta dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxa ay magaalada Nairobi ka bilaabeen dadaallo ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ugu fududeynayaan iney dalkooda ku laabtaan.

Haddaba, wariyaha VOA ee Kenya Khadar Maxamuud Xareed ayaa arrimahan ka wareystay qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya, Xabiib Birmid Cigaal.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:48 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG