Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda oo Axmed Madoobe u aqqoonsatay madaxweynaha Jubbaland


Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda federaalku ay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) u aqqoonsatay inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ee maamul goboleedka Jubbaland.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in muddo xileedka madaxweynaha Jubbaland uu noqon doono laba sano oo ka soo bilaabaneysa markii uu idlaaday muddo xileedkii hore.

Waxa ay dowladdu ugu baaqday madaxweynaha Jubbaland in uu qabto shir ay ka qeybgalaan dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada reer Jubbaland, si looga gudbo khilaafaadkii ka dhashay doorashadii Jubbaland.

Qoraalkan ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay dowladdu ka xun tahay “faragelin” ay sheegtay in dowladda Kenya ay ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya, taasi oo sida hadalka loo dhigay ay ku dooneyso in ay “cadaadis siyaasadeed uga dhigto Dawladda Federaalka Soomaaliya si ay danaheeda uga gaarto qadiyadaha lagu muransan yahay ee dhex yaalla labada wadan, gaar ahaan dacwada badda ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya.”

22-kii bsihii August ee sanadkii hore ayaa doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo waxaa dib xilka madaxweynaha Jubbaland loogu doortay Axmed Madoobe, iyadoo qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee Soomaaliya lagu diiday in lagu aqqoonsado natiijada ka soo baxday doorashadaasi.

Tan iyo wixii xilligaasi ka danbeeyey ayaa waxaan jirin wadashaqeyn ka dhaxeysa dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland, iyadoo xiisado colaadeed ay ka jireen qeybo ka mid ah gobolka Gedo.

XS
SM
MD
LG