Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo soo dhoweeyey wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland


Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa oo ka dhoofay Muqdisho

Qoraal kooban oo ay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ku daabacday Twitter-ka ayay ku sheegtay in dowladda Mareykanku ay soo dhoweyneyso wadahadallada maanta ka furmaya Djibouti ee ay ku kulmayaan madaxda dowladda Soomaaliya iyo Somaliland oo ay kala hogaaminayaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Biixi.

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu taageersan yahay wadashaqeyn dan u ah Soomaalida iyadoo loogu baaqay in dhammaanba Soomaalidu ay taageeraan hanaankan.

Goordhow ayaa lagu wadaa in uu furmo kulanka ay yeelanayaan madaxda Soomaaliya iyo Somaliland oo ka dhacaya Djibouti, kaasi oo uu gudoomin doono madaxweynaha dalkaasi, Ismaaciil Cumar Geelle.

Bishii February ee sanadkan ayay Farmaajo iyo Biixi si kooban ugu kulmeen magaalada Addis Ababa, laakin sii ambaqaadista wadahadallada laba dhinac ayaa in muddo ahba hakad ku jiray.

Wariyaha VOA ee magaalada Muqdisho, Abdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan ku eegaya wadahaladan ka furmaya Djibouti.

Wadahadallada madaxda dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ee Djibouti
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:58 0:00


XS
SM
MD
LG