Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Boosaaso: Xukun dil ah oo lagu fuliyey rag ka tirsanaa Al-Shabaab


Magaalada Boosaaso ayaa waxaa maanta lagu toogtay saddex nin oo horey ay maxkamadi ugu ridday xukun ah iney ka tirsanaayeen ururka Al-Shabaab, kuwaasi oo muddo sanad ku dhow ku xirnaa xabsi ku yaalla magaaladaasi.

Ciidamada ammaanka ee Boosaaso ayaa raggan ka qabtay magaalada xilli ay ku guda jireen howlgal ay ku raadinayaan malayshiyaadka Al-Shabaab.

Saddexda qof ee maanta dilka lagu fuliyey ayaa ka ah: Maxamed Xasan Barre, Bishaar Maxamed Xassan iyo Cabdixakiin Maxamed Faarax.

Maxkamadda darajada koowaad ayaa ridday xukunka dilka ee raggan maanta la toogtay iyadoo maxkamadda racfaankuna ay ku raacday go’aankaasi.

XS
SM
MD
LG