Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Farmaajo iyo Biixi oo ku kulmaya Djibouti


Farmaajo iyo Muuse Biixi
Farmaajo iyo Muuse Biixi

Ilo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa VOA u sheegay in wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay ka mid yihiin ra’iisul-wasaare Xassan Cali Kheyre, guddomiyaha baarlamaanka, wasiirka arrimaha debedda iyo xubno kale ay maalinta berri ah tagayaan dalka Djibouti.

Waxaa iyana Djibouti isla berri tagaya madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, guddoomiyaha guurtida Somaliland, wasiirka arrimaha debedda iyo xubno ka tirsan xisbiyada mucaaridka.

Kulankan oo sida la sheegay ay fududeysay safaaradda Maraykanka ee Somaaliya ayaa madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle oo martigelinaya waxa uu furitaankiisa ku casuumay ra’iisul-wasaaraha Ethiopia, Abiy Axmed, iyo wakiillo ka kala socda urur goboleedka IGAD, Midowga Africa iyo Midowga Yurub.

Waxaan si rasmi ah loo ogeyn ajandaha labada dhinac ay kulankooda uga hadli doonaan, iyadoo uu shirkani imanayo xilli sida la sheegay uu jiro cadaadis madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Biixi uga imanaya dowlado iyo dad ku lug leh arrimaha Soomaaliya.

In kastoo si kooban ay bishii February ee sanadkan Farmaajo iyo Biixi ugu kulmeen xafiiska ra’iisulwasaahara Ethiopia ee magaalada Addis Ababa, haddana kulanka Djibouti ee maalinta berri ah la qabanayo ayaa noqon doona kii ugu horreeyay ee madaxda sar-sare iyo ergooyin ka kala tirsan dowladda dhexe ee federaalka iyo Somaliland ay si fool ka fool ah u kulmaan, tan iyo markii Farmaajo iyo Biixi ay xilalka qabteen sanadkii 2017-kii.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegta in midnimadu ay tahay arrin muqaddas ah, halka Somaliland ay iyaduna ku doodayso in gooni-iskutaageedu uu yahay mid aanay gor-gortan ka gali doonin.

Waxaan caddeyn sida labadaasi mowqif ee adag ay labada dhinac uga wada xaajoon doonaan ayna isaga soo dhowaan karaan, si xal looga gaaro arrimaha la isku hayo.

Dadka siyaasadda rog-rogga ayaa sheegaya in ay rajjo abuureyso wada hadal toos ah oo dhex mara hogaamiyeyaasha dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, ayna taasi horseedi karto tanaasul yimaada si wadaxaajoodka loo sii ambaqaado.

Kulanka madaxda Soomaaliya iyo Somaliland ay yeelanayaan ayaa ku soo beegmaya xilli uu muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo sii gabaabsi yahay, iyo waliba waqti uu jiro khilaaf ka dhex taagan dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada oo ku aadan qaabka loo wajahayo doorasho ka dhacda Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG