Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta bilowday dhageysiga dacwad lunsasho hanti dadweyne oo loo heysto 10 xubnood oo ka tirsanaa wasaaradda caafimaadka ee dowladda Soomaaliya.
Dadka maanta maxkamadda la soo taagay oo xirnaa toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa ka mid ah agaasimeyaal waaxeedyo ka tirsanaa wasaaradda caafimaadka.
Wariyaha VOA ee Muqdisho, Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle, ayaa warbixintan inoo soo diray.