Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddi loo saaray qabashada kulan looga hadlayo doorashada


Aqalka Sare
Aqalka Sare

Gudoomiyaha Aqalka Saree e Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa xalay magacaabay guddi ka kooban 9 xubnood oo ka tirsan xubnaha Aqalka Sare, kuwaasi oo ka shaqeyn doona sidii la isugu keeni lahaa madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada.

Qoraal uu soo saaray Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa lagu sheegay in arrinta shirkan looga arrinsanayo arrinsanayo ay tahay in laga wada xaajoodo arrimaha doorashada oo ay bilooyin kooban ka harsan tahay.

Guddigan la magacaabay waxaa ka mid ah Senator Xuseen Sh. Maxamuud, waxaana uu howsha ay qaban doonaan uga waramay wariyaha VOA Sahra Cabdi Axmed.

Wareysi: Senator Xuseen Sh. Maxamuud
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:53 0:00



XS
SM
MD
LG