Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland: Saraakiil boolis oo shaqada looga joojiyey muuqaal muran abuuray


Taliyaha booliska Puntland Cabdi Xuseen Xasan Cabdi Yare
Taliyaha booliska Puntland Cabdi Xuseen Xasan Cabdi Yare

Taliska Booliska Puntland ayaa shaqadii ka joojiyay labo sarkaal oo la sheegay in ay ku lug yeesheen dhacdo ay dhowaan ciidamada booliska magaalada Qardho xabsiga ugu taxaabeen dhalinyaro gabdho u badan oo ku caweynayay meel aan magaalada ka fogeyn.

Ciidamada ayaa muqaal kaga duubay dhallinyarada kaddibna baraha bulshada ku faafiyay.

Taliyaha booliska Puntland Cabdi Xuseen Xasan Cabdi Yare ayaa sheegay inuu cudurdaar ka bixinayo falka ay ku kaceen booliska, wuxuuna intaas ku daray in shaqo joojinta saraakiisha ay timid kadib markii guddi loo xil saaray arrintan ay baaritaan ku sameeyeen dhacdada.

Warbixintan waxaa magaalada Garoowe kasoo diray Nuux Muuse Birjeeb.

Puntland: Saraakiil boolis oo shaqada looga joojiyey muuqaal muran abuuray
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:23 0:00


XS
SM
MD
LG