MUQDISHO —
Maamul goboleedada Puntland, Jubbland, HirShabelle iyo Madasha Xisbiyada Qaran ayaa rasmi ahaan usoo dhoweeyey baaq shalay kasoo yeeray Aqalka Sare oo ku baaqayey in shir wadatashi ah ay iskugu yimaadaan madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada inta ka horraysay 25-ka bishan.
Sidoo kale waxaa baaq kaas la mid ah jeedisay safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, oo sheegtay inay tahay arrin dastuuri ah in dhinacyada ay kulmaan.
Haddaba baaqa kasoo yeeray guddoonka Aqalka Sare, iyo jawaabta maamul goboleedyada iyo tallaabada xigta ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay Cabdirashiid Khaliif Xaashi, oo ah agaasimaha Machadka Heritage.