Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Kismaayo


Ugu yaraan hal qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday in ka badan toban kalena way ku dhaawacmeen kadib markii Bomb gacmeed xalay lagu weeraray isgoys aad u mashquul badan oo ku yaalla magaalada Kismaayo.

Qaraxan ayaa yimid xilliga bilihi la soo dhaafay uu xasilloonaa ammaanka guud ee magaalada Kismaayo, oo aysan ka dhicin wax falal amni darro ah oo sidaas u weyn.

Ciidamada ammaanka ee maamulka Jubaland ee magaalada Kismayo ayaa amaanka magaalada xoojiyay wixii ka dambeeyay 12-kii bishii July ee sanadkii hore kolkaasoo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab weerar ay ku qaadeen Hoteel ku yaala magaalada ayna ku dileen dad rayid ah.

Khadar Maxamuud Xareed, oo xiriiro kala duwan la sameeyey magaalada ayaa warbixintan ka soo diray magaalada Nairobi.

Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Kismaayo
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:14 0:00


XS
SM
MD
LG