Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aqalka sare: Ha shiraan DFS iyo Maamul-goboleedyada


Aqalka Sare

Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ugu baaqay inay isugu yimaadaan shir lagu xalinayo khilaafka u dhaxeeya.

Shirkaasi ayuu Aqalka Sare dalbaday inuu dhaco ka hor 25-ka bishan June, waxaana uu magacaabay guddi kasoo shaqeeya qabashada shirkan, oo uu guddoomiye u yahay guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi.

War-saxaafadeed kasoo baxay Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in qabashada doorashada heer federal “ay u baahan tahay in wada tashi deg deg ah ay isugu yimaadaan inta ka horeysa 25-ka Bisha Juun, 2020 dhammaan madaxda qaranka oo ugu horreeyo Madaxweyne Farmaaajo, Xukuumadda Federaalka, Baarlamaanka Federaalka, iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.”

Aqalka Sare ayaa ugu baaqay Madaxda Qaranka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada “inay dedaal hagar la'aan ah ku bixiyaan ka miro-dhalinta hayaanka loogu jiro sidii loo gaari lahaa dowladnimo taabbagasha oo ku dhisan dimuquraadiyad wada-ogol ah.”

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in goobta uu wada-hadalku ka dhacayo lagala tashan doono dhinacyada ay khuseyso ee labada heer dowladeed.

XS
SM
MD
LG