Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddoonka Golaha Shacabka iyo Madaxweynayaashii hore oo kulmay


Guddoonka Baarlamanka iyo Madasha

Magaalada Muqdisho waxaa manta ka dhacay shir ay leeyihiin madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, oo iyagu hoggaamiya madasha xisbiyada qaran, iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Kulankan ayaa la sheegay inuu ka dhacay xarunta Madasha xisbiyada Qaran ee Muqdisho, waxaana la sheegay in diiradda lagu saaray doorashooyinka soo socda ee la filayo inay dalka ka dhacaan.

Waa kulankii labaad ee ay yeeshaan dhinacyada iyadoo xilligan uu waddanku isku diyaarinayo doorashooyin la qabto dabayaaqada 2020 iyo horraanta 2021-ka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa toddobaadkiihore mar uu khudbad u jeedinaye baarlamaanka sheegay inuu taageersan yahay in doorashadu ku dhacdo xilligii loogu talogalay.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG