BELEDWEYNE —
Madaxweynaha maamul goboleedka HirShabeelle ayaa Guddiga Gurmadka Baledweyne ku wareejiyay deeq sannadkii hore ay dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ugu deeqeen in wax lagaga qabto fatahaadda magaalada Baledweyne.
Deeqdan oo muddo ka badan sanad maqneyd ayaa bishii tagtay lagu soo wareejiyey madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, kadib markii guddiga, oo la hadlay VOA, ay shaaca ka qaadeen inaysan soo gaarin.
Warbixintan waxaa inoo soo diray Xuseen Xasan Dhaqane.
Facebook Forum